Tirinta codka xildhibaanada ee Doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa bilaabatay iyadoo ay ku loolamayaan 6 musharax oo xilkan u taagan.
Codadka ayaa bilowgii ugu u muuqday in sidii loo saadaaliyay ay ugu horeeyaan labada musharax C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, iyo Faarax Sheekh C/qaadir iyo waxaa iyadana aan xoogaa codad ah heshay Khadiija Maxamed Diiriye.
Tirinta codadka ayaa toos ah u socota iyadoo hoolka Baarlamaanka aamusnaan weyni ka jirto, waxaana laga yaabaa in loo baahdo wareeg labaad, waxaase la arki doonaa natiijadu waxa ay noqoto.
Musharixiinta ku tartamaya xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad waxay kala yihiin:
1.Faarax Sheekh C/qaadir
2.C/weli Ibraahim Muudey
3.Khadiijo Maxamed Diiriye
4.Siciid Xuseen Ciid
5.Jeylaani Nuur Iikar
6.Khaalid Macow C/qaadir