Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa Kooxo hubeysan ay Magaalada Muqdisho ku toogteen qof ka mida ergadii dooratay xildhibaanada Federaalka.
Koox hubeysan ayaa la sheegay inay toogasho ku dishay nin magaciisa lagu sheegay Madaxeey oo lagu dilay Beerta Qaadka ee dhinaca degmada Wadajir.
Ninkan caawa la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii magaalada Kismaayo ku soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Federaalka.
Dhinaca kale iska horimaad kale ayaa la sheegay inuu Caawa degmada Hodon agagaarka Suuqa Qaadka (Beerta) ku dhexmaray Ciidamada u Xasilinta Ammaanka Muqdisho iyo ciidamo kale oo Milateri ah.
Iska horimaadkan oo ahaa kii labaad ee maanta ka dhaca magaalada Muqdisho waxay dadka degaankaasi warbaahinta u sheegeen inay ku dhaawacmeen saddex qof oo rayid ah.
Goobjooge