Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun Dil Toogasho ah ku riday laba askari oo iska kaashaday qorshe lagu dilay nin Oday Beeraley ahaa oo ku noolaa degaanka No. 50 ee Gobolka Sh/Hoose.
Maxkamadda ayaa labada Asakri oo kala ah: Cali Cumar Axmed iyo Muuse Cali Nuurku heshay Dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo la sheegay inuu mar guursaday hooyada dhashay mid ka mida labada askari.
Cali Cumar oo uu Adeer u ahaa ayaa qorsheeyay dilka marxuumka, isagoo kula dooday inuu Dhaxal ka dhexeeyo, markii la xaliyay murankaasina wuxuu go’aansaday inuu weerar ku qaado, falkaaasi fuliyey 19 Oktoobar 2022.
Labada askari ee Cali Cumar iyo Muuse Cali waxay ka waregsadeen Lacag dhan $17,300 ka hor inta aysan rasaas ku dilin, isagoo ku sugnaa Beertiisa, degaanka Number 50.
Maxkamadda ciidamada ayaa soo gabagabaeyay kiiska labadan nin 15 kii ebruary 2023, waxayna maanta ku kala xukuntay Cali Cumar Axmed & Muuse Cali Nuur Dil toogasha ah, taasoo ah Qisaasta marxuum Yusuf Cabdi Axmed, Sida uu shaaciyey Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
