Monday, June 23, 2025

Toogasho Qaab cusub loo adeegsaday oo lagu khaarijiyay Mas’uul ka tirsan Gobolka Banaadir

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay qaab cusub u khaarijiyeen mas’uul ka tisan Gobolka Banaadir.

Dableyda hubeysan ayaa Mooto ay wateen u adeegsaday inay ku fuliyaan toogasho, iyagoo kadibna goobta ka baxsaday isla markii ay fuliyeen falka ay ku khaarijiyeen mas’uulka.

Mas’uulkan ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdullaahi Tima-jilic, ayaa lagu toogtay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Timo-jilic ayaa ka mid ahaa saraakiisha Waaxda Canshuuraha ee maamulka Gobolka Banaadir,sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka.

Falalka khaarijinta ah ayaa si weyn uga socda magaalada Muqdisho, inkastoo ciidamo fara badan la dhoobay wadooyinka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON