Xarunta Koongareeska Mareykanka ee magaalada Washington waxaa ka socda dooda mooshinka xilka qaadista Madaxweyne Donald Trump, iyadoo cod loo qaadi doono dooda kadib in Mooshinka la furo iyo in kale.
Mooshinkan oo ay wadaan mudanayaasha Xisbiga Dimoqraadiga oo u badan Golaha Koongareeska ayaa lagu wadaa inay meel mariyaan Mooshika, inkastoo uu u baahan yahay aqalka Sare ee senet-ka inay ansixiyaan, kaasoo ay u badan yihiin xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump kasoo jeedo.
Codeynta loo qaadayo Mooshinkan oo in muddo ah soo socday ayaa muuqaal ahaan la sheegay inuu dhaawac ku yahay Madaxweyne Trump oo doonaya in mar kale loo doorto xilka sanadka 2020-ka.
HOOS KA DAAWO