Baaraha gaarka ah ee Robert Muller oo loo saaray arrinta muranka badan ka taagnaa ee lugtii uu Ruushku ku yeeshay Doorashadii Mareykanka ee 2016 oo uu ku guuleystay Donald Trump ayaa kusoo dhammaaday iyadoo wax caddeyn ah lagu waayey Trump iyo kooxdii ololihiisa.
Qoraal kooban oo ku saabsan Warbixinta Robert Mueller ayuu xoghayaha cadaaladda Mareykanka Willam Barr u diray Koongareeska dalkaasi, isagoo ku sheegay in baaritaankii Guddiga Muller ay waayeen caddeyn ku saabsan in Trump iyo kooxdiisii doorashada ay xiriir la lahaayeen Ruushka oo warbixintu qirtay inuu faragelin ku sameeyay doorashadii Donald Trump kusoo baxay.
Arrintan ayaa ka dhigay guul weyn oo u soo hoyatay Trump iyo kooxdiisa, waxaana xisbiga dimoqraadiga oo arrintan rajo weyn ka qabay ay niyad jab ka qaadeen warbixinta iyagoo hadda dalbanaya in la shaaciyo warbixinta oo dhammeystiran.
Baaritaanka Robert Muller oo socday muddo 2 sano ku dhow ayaa dhinaca kale helin in madaxweyne Trump uu cadaaladda hor istaagay ama aanu hor istaagin, taasoo xaqiijin badan u baahan, waxaana arrintan ka furan su’aalo kale iyo baaritaan ka socon doona Gobollada Mareykanka qaarkood.
Madaxweyne Trump oo goor dhoweyd farriin kooban soo diray ayaa ku sheegay: inaysan jirin xiriir ka dhaxeeya Ruushka.. inaany jirin caddaalad la hor istaagay.. wax khalad ahna aanu sameyn.