Iyadoo xalay ay heerkii ugu danbeysay gaartay xiisadda ka dhaxeysa dalalka Mareykanka iyo Iiraan markii ay shalay ciidamada ilaalada Kacaanka Iiraan soo rideen diyaarad ay leeyihiin Mareykanka oo nooca is-wada ah ee wax basaasa, ayaa lasoo weriyey in dirqi looga badbaaday weerar lagu qaado Iiran.
Wargeyska caanka ah ee New York Times ayaa qoray in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu amar ku bixiyay in weerar Cirka ah lagu qaado dalka Iiraan iyadoo la beegsanayo Gantaalaha difaaca cirka ee Iiraan, balse go’aankaas uu si lama filaan ah uga laabtay markii ay diyaaradihii duqeyn fulin lahaa ay hawada dalka Iiraan ku dhow yihiin, iyadoo ay diyaar ahaayeen Maraakiibta qeybta ka ahaa howlgalka.
Isbedelka ku yimid Trump ayaan la ogeyn waxa sababay, waxaana si weyn loo falanqeynayaa arrintan oo la sheegay inay kala qeybisay la-taliyeyaasha madaxweyne Trump, sida wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo la taliyaha amniga John Bolton.
Xalay ayuu sheegay madaxweyne Trump in Iiraan ay gashay khalad weyn, iyadoo soo riday diyaarad Mareykanku leeyahay, wuxuuna markaas caddeeyay in tallaabada uu qaado la ogaan doono.