Wednesday, June 25, 2025

Trump oo ka badbaaday Mooshinkii Xil ka qaadista & Mudane ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo tallaabo yaab leh qaaday.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka badbaaday mooshinkii xil ka qaadistiisa ee ay wadeen xildhibaannada Xisbiga Dimoqraadiga markii xalay uu Aqalka Senate-ka dalkaasi oo ay u badan yihiin xisbiga Jamhuuriga uu cod u qaaday kaddibna meesha laga saaray labadii denbi ee lagu soo eedeeyey madaxwenye Donald Trump.

52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay”HAA” ugu codeeyeen, waxaana loo baahnaa saddex meelood laba tirada aqalka senet-ka ama 67.

Dhinaca kale 53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen, waxaana la yaab lahayd in ​Mitt Romney oo ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga uu la saftay mudanayaasha dimoqraadiga kaddib markii uu “HAA” ugu codeeyay qodobka koowaad ee ku saabsabaa in madaxweynuhu uu ku takri falay awooddiisa, si shaqsi ahna u adeegsaday.

Go’aanka aqalka Senate-ka ayaa soo afjaraya dacwadda ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump, waxaana soo dhammaatay dacwadii socotay mudadda 4-ta bilood, inkastoo xisbiga dimoqraadiga uu dib u bilaabi karo u yeerista marqaatiyeyaal cusub.

Madaxweyne Trump ayaa weerar culus ku qaaday Mitt Romney isagoo ku baaqay in laga eryo xisbiga jamhhuriga, wuxuuna si shaqsi ah u weerarray mudanahaasi oo dhinaciisa warbaahinta u sheegay inuu meel iska dhigay danaha xisbi ee uu qaatay mowqif wadani ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON