Sunday, July 13, 2025

Trump oo ku dhawaaqay Xaalad Degdeg ah [Dagaal sharci ah oo ka dhex qarxay Aqalka Cad & Kongareska]

Madaxweynaha Mareykankla Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah si uu dhaqaale ugu helo Derbiga muranka badan dhaliyey ee uu ka dhisayo xuduudka Mareykanka la leeyahay dalka Mexico.

Trump oo shir jaraa’id maanta qabtay ayaa sheegey in xaalad cakiran ay ka jirto xadka Mareykanka iyo Meksiko, ayna tahay in lala tacaalo. Waxa uu sheegey in madaxweynayaal isaga ka horreeyay ay xaalado deg deg ah hore ugu dhawaaqeen, isaguna uun sidaasu sameynaayo.

Tallaabadan ayaa ahayd tan ugu danbeysa uguna halista badan ee uu qaadi lahaa madaxweyne Trump, isagoo doonaya in dhaqaalaha u qoondeysan milateriga iyo Hay’adaha kale uu u adeegsado dhismaha Derbiga, kadib markii Koongareeska dalkaasi uu diiday in canshuurta dadka Mareykanka laga bixiyo lacag dhan 5.7 Bilyan oo doolar oo lagu dhiso Derbiga.

Tallaabada Trump qaaday ayaa noqoneysa markii ugu horeysay ee arrin caadi ah loo bedelo xaalad degdeg ah oo aan la isku waafaqsaneyn, waxaana si weyn uga hor yimid xildhibannada xisbiga dimoqraadiga iyo kuwa Jamhhuuriga qaarkood oo arrintan ku tilmaamay sharci darro.

Shaqadii dowladda Federaalka ayaa qeyb ahaan mar kale xirmi doonta iyadoo Trump uu sheegay inuu saxiixi doono wareegto looga badbaadayo inay mar kale xiranto shaqada dowladda Federaalka.

Qoraal ay wadajir u soo saareen guddoomiyaha Aqbaliyadda xisbiga Dimoqraadiga ee Koongareeska Nancy Pelosi iyo Guddoomiyaha Dimoqraadiga ee Aqalka Senate-ka Chuck Schumer ayaa wax laga xumaado iyo sharci darro ku sifeeyay tallaabada uu qaaday madaxweyne Trump iyado sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON