Wednesday, June 25, 2025

TURKIGA AFGEMBIGA KADIB: 3000 Askari oo la xiray iyo 2700 garsoore oo shaqada laga eryay

Kadib afgembigii dhicisoobay ee dalka Turkiga ka dhacay ayaa waxaa si weyn isu bedelay xaaladda dalkaasi iyadoo la xirxiray

askarta iyo saraakiisha dowlada ee xiriirka la lahaa inqilaabka.

Ilaa hadda waxaa la shaaciyay in la xiray 3000 askari oo afgembiga qeyb ka ahaa, waxaa shaqada laga eryay 2745 garsoore, waxaana dalkaasi oo dhan ka socda falal lagu baacsanayo kuwii ka danbeeyay afgembiga.

Baarlamaanka dalkaasi oo kulan yeeshay ayaa laga soo saaray bayaan ay u mideysan yihiin xisbiyada dalkaasi oo dhan, waxaana lagu cambaareeyay afgembiga dhicisoobay. Waxaa lagu furay Baarlamaanka Qadar aamusnaan ah, kadibna waxaa ka hadlay madaxda Xisbiyada dalkaasi ka jira oo dhammaantood cambaareeyay isku dayga Inqilaabka.

Baarlamaanka

Dhinaca kale dowladda Turkiga ayaa ka dalbatay Giriigga inuu dib u soo celiyo 8 askari oo iyagoo wata diyaarad Helikobtar ah, taasoo weli aanay ka hadlin Giriiga.  Ra’iisal wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa goor dhoweyd shaaciyay in Giriiga uu aqbalay dib u soo celinta 8-da askari ee u fakaday dalkeeda.

Guud ahaan qasaaraha ka dhashay afgembiya ayaa gaaraya 265 ruux oo ku dhimatay oo 161 ka mida ay shacab yihiin, halka 104 kale ay yihiin askartii afgembiga sameysay.

Goobjooge.com/Wakaalado

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON