Codbixiyayaasha aftida madaxbanaanida ee Kurdiyiinta Ciraaq ayaa maanta ka socota goobaha codeynta, iyadoo ay hanjabaad kasoo yeeray dalalka Turkiga iyo Iiraan.
Raisul wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ka digay in uu qaadi doono tillaabada lagama maarmaanka ah si uu u ilaaliyo midnimada dalka, wuxuuna maamulka Kurdiyiinta Ciraaq ka dalbaday inay soo wareejiyaan ilaalada xuduudka iyo garoomada diyaaradaha.
Kurdiyiinta Ciraaq oo muddo dheer u doodayay wadan ay leeyihiin ayaan dheg u dhigin baaqyada iyo hanjabaadda, waxaana maanta si weyn degaanada maamulkaasi uga socda cod bixinta aftida madax bannaanida loo qaadayo gobolkaasi inuu ka xoroobo Ciraaq, taasoo la filayo inay si aqbaliyad ah ugu coddeeyaan goosasho.
Dowlada Ciraaq ayaa sheegtay in ay qasab tahay in aftida la joojiyo islamarkana aysan dhaqangalin doonin natiijada ka soo baxda. Raisul wasaaraha Ciraaq Haider al-Abadi ayaa sheegay in aftida ay tahay mid aan dastuuri ahayn. Ma uusan cadayn tillaabooyiinka uu doonayo in uu qaado.
Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa ku hanjabay haddii ay lagama maarmaan noqoto inay ciidamada Turkiga ay faragelin ku sameyn doonaan Gudaha Ciraaq, waxaana dowladda Ciraaq ay joojisay shidaalkii Kurdiyiinta Ciraaq ee Turkiga dhex mari jiray, lagana dhoofin jiray.
Madaxweynayaasha Iiraan iyo Turkiga ayaa iska kaashanaya go’doominta Kurdiyiinta Ciraaq, waxayna labada madaxweyne isku mowqif ka taagan yihiin