Turkiga iyo Qatar ayaa howlgal wadajir ah oo samafal ka bilaabay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo fatahaad halkaasi ka dhacday ay ku barakaceen dad fara badan.
Waxa magaaladaasi tegay safiirada dalalka Qatar iyo Turkiga u jooga Soomaaliya iyo madaxda hay’adaha samafalka labada dal ee Qatar Charity, Bisha Cas ee Turkiga iyo TIKA, iyagoo raashin iyo agab kale u qeybiyey dadka reer Beledweyne.
Labada dal ee Turkiga iyo Qatar ayaa xiriir dhow la leh dowladda Soomaaliya, waxayna leeyihiin isbaheysi ka horjeeda kan Sacuudiga iyo Imaaraadka, iyagoo xilligan ah dowladihii ugu horeeyay ee gurmad la gaara dadka magaalada Beledweyne.