Dowladda Turkiga ayaa ansixiyay in in deeq lacageed oo dhan 24 Milyan oo Doolar la siiyo dowladda Soomaaliya oo bil walba heleysa 2 Milyan oo doolar muddo sanad ah.
Faafinta rasmiga ee dowlada Turkiga ayaa lagu shaaciyay in heshiiska deeqda lagu siinayo Soomaaliya ay kala saxiixdeen labada dowladood ee Turkiga iyo Soomaaliya 27-kii Bishan May 2106. Waxaana deeqdan loogu talo galay kabida miisaaniyada dowlada Somaaliya iyo dhismaha hay’adaheeda.
Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka iyo horumarinta xiriirka wanaagsan ee labada dal, waxaana deeqdan lagu soo beegay saacado kadib markii uu Madaxweynaha Turkiga u socdaalay safar uu ku marayo bariga Afrika oo lagu wado inuu gaaro Soomaaliya.
Turkiga ayaa ka mida dalalka sida tooska ah u taageera dowladda Soomaaliya, isagoo ka sokow mashaariicda horumarineed ee uu fuliyo lacag toos ah siiya dowladda Federaalka.
Goobjooge.com