Wasaaradda Difaaca dalka Turkiga ayaa shaacisay in maanta uu Jimce ah ay bilaabatay in Gantaalaha Ruushku sameeyo ee difaaca Cirka S-400 la geeyo Turkiga.
Diyaarad nooca xamuulka ah oo milateriga Ruushka leeyahay ayaa qeybihii ugu horeeyay ee Gantaalaha S-400 ka dejisay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyadoo duulimaadyo kale ay isla maanta qaadi doonaan qeybo kale oo Gantaalahaasi ka mida, kaasoo uu si weyn uga horjeestay Mareykanka.
Wakaalada wararka ee Ruushka Interfax ayaa iyaduna sheegtay in garoonka cidiamada cirka ee Murted oo ku yaalla duleedka magaalada Ankara laga dejiyey qalabka gantaalaha S400, iyadoo la filayo in maalmahan ay socoto daadgureynta gantaalahaasi oo Turkiga uu ka iisbsaday Ruushka.
Mareykanka ayaa ka hor yimid Gantalaha S400 ee Turkigu ka iibsaday Ruushka, wuxuuna ku hanjabay inuu cunaqabateyn ku soo rogi doono Turkiga, iyadoo uu joojiyey iibka diyaaradaha dagaalka F-35 oo Turkiga uu ka iibin lahaa.
S400 ayaa ah gantaallo casri ah oo quwad weyn, waana markii ugu horeysay ee dal ka mida Gaashaanbuurta NATO uu iibsado nidaam difaac oo Ruushku leeyahay.
War goor dhoweyd kasoo baxay Gaashaanbuurta NATO ayaa welwel ka muujiyey im Turkiga uu helo gantaalaha Ruushku sameeyo ee S400 oo ay sheegeen inuusan la shaqeyn karin nidaamka difaaca NATO.