Wararka laga helayo dalka Turkiga ayaa sheegaya in magaalada Istanbul lagu qabtay laba qof oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, kuwasoo la sheegay inay yihiin Basaasiin ay sirdoonka dalkaasi ku daba jireen.
Labada qof ee u dhashay Imaaraadka ayaa la sheegay inuu mid ka mida magaalada Istanbul tegay bishii Oktoobar ee sanadkii hore, kadib markii la dilay saxafigii Sacuudiga ee Jamal Kashoqgi, isla markaana ay basaasayeen siyaasiyiin dibadjoog ah iyo arday, iyadoo lala xiriirinayo kiiska dilka Jamal Kashoqgi.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in labada xubnood ee looga shakisan yahay inay u basaasayeen Imaaraadka Carabta ay xireen ciidamada Turkiga, iyadoo lagala reegay Computer ay wateen, waxaana ku socda baaritaan.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay labada dowladood ee Imaaraadka iyo Turkiga oo xiriirkooda uu aad hoos ugu dhacay markii Imaaraadka uu ku lug yeeshay afgambigii la isku dayey in lagu rido madaxweyne Erdogan.