Monday, June 23, 2025

Turkiga oo Muqdisho u soo diray Diyaaradii saddexaad ee sida Deeq Qalab Caafimaad.. (Sawirro)

Turkiga ayaa Saaka oo Isniin ah magaalada Muqdisho u soo dira diyaaradi saddexaad oo sida Qalab caafimaad oo lagula tacaalayocudurka Covid-19, iyadoo goor dhow laga qalabkaasi laga dejiyey Garoonka Diyaaadaha magaalada Muqdisho.

Qalabka caafimaad ee maanta soo gaartay Muqdisho ayaa ka koobnaa: sariiro, firaash iyo qalabka dhaawacyada lagu qaado, waxaana garoonka Muqdisho ku guddoomay madax ka socotay dowladda Soomaaliya oo ay horkacayeen Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda C/qaadir Maxamed Kheyr.

Turkiga ayaa markii saddexaad Soomaaliya gaarsiiyey deeq caafimaad oo loogu talogalay in wax looga qabto cudurka saf-marka ha ee Coronavirus oo fara ba’an ku haya Soomaaliya

Ad

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in tirada dadka qaba cudurka COVID-19 guud ahaan dalka ay gaareen 722, iyadoo ay u dhinteen 32 ruux.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON