Friday, July 11, 2025

Turkiga oo Muwaadiniintiisa ka qaatay Muqdisho & Guddoomiyeyaasha labada Aqal oo dalka lagu soo celiyey

Dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka qaadatay dadka u dhashay dalkaasi, kadib amar kasoo baxay Madaxweynaha Turkiga oo dib loogu celinayo dadka Turkiga.

Diyaarad xalay timid magaaladda Muqdisho ayey raaceen muwadiniinta Turkiga ee ka howlgalayey magaalada Muqdisho sida ay shaacisay safaaradda Turkiga, waxayna qeyn ka tahay qorshaha dadka Turkiga ah loogu ceinayo dalkooda, kadib xaaladda dunida ka jirta ee uu dhaliyey cudurka Covid-19.

Sidoo kale waxay diyaaradda Turkish Airways keentay dad Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Turkiga oo tiradoodu gaareysay 58 qof oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Wararka ayaa sheegay in Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre uu ka mid ahaa dadkii u duulay dalka Turkiga, halkaasoo xaalad caafimaad uu ku tegay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON