Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladii ugu horeysay ee taageero dhaqaale siisa dowladda cusub ee Soomaaliya.
Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa shaacisay in lacag malaayiin Doolar ah ay dowladda Turkiga siisay Soomaaliya, lacagtaas oo ah kabka Miisaaniyadda dowladda.
Lacagta dowladda Turkiga siiday dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay gaareysaa $6 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, waxayna qeyb ka tahay taageerada Turkiga siiyo Soomaaliya. Safaaradda ayaa sheegtay in lacagta lagu taageerayo dowladda cusub si ay u bixiso mushaarka, waxayna intaas ku dartay in taageerada dadka iyo kalsoonida ay dowladu hore ugu socon karto.
Warkan oo lagu shaaciyay bogga ay safaaradda Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku leedahay twitter-ka ayaa noqonaya mid dhiirigelin weyn siin doona xukuumadda cusub ee aan weli lagu dhawaaqin.
Soomaaliya ayaa ku jirta xaalad kala guur ah, mana jirto Miisaaniyad buuxda oo hadda lagu shaqeeyo iyadoo la wada sugayo xukuumadda cusub ee lagu dhawaaqi doono.
Turkiga ayaa si joogto ah lacago malaayiin doolar ah ugu kaba miisaaniyadda dowladda Federaalka, iyadoo Sacuudiga oo dhowaan uu socdaal ku tegay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo aan weli laga helin balanqaadkoodii taageerada.
Goobjooge.com