Dowladda Turkiga ayaa iska fogeysay in saldhigga milateri ee ay ku leedahay Soomaaliya iyo howlaha gargaar ee ay dalkaasi ka wado ay ka leedahay ujeedooyin dano gaara ku saleysan ama ay kula tartameyso quwado kale.
Agaasimaga guud ee laanta xiriirka Afrika ee Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Turkiga Ahmet Riza Demirer, oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Anadolu Agency ayaa kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo siyaasadda Trukiga ee Afrika, wuxuuna sheegay inaysan Soomaaliya u joogin tataran quwado shisheeye.
Isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd sida dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale ay u arki karaan Saldhigga Turkiga ee Muqdisho ayuu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal 30-kii sano ee la soo dhaafay ay dhibaato ka jirtay Turkigana uu u tagay in uu kaalmeeyo Dadka Soomaalida ah oo uu sheegay in ay yihiin kuwo tayo badan oo aan isdhiibin.
Waxaa uu intaas ku daray in Dadka Soomaalida iyo Caalamkaba ay ka warqabaan sababta uu Turkiga u joogo Soomaaliya iyo shaqada uu ka hayo. Saldhigga Turkiga ee Muqdisho ayuu sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay kaliya in lagu tababaro Ciidamada Soomaalida ah si ay amniga dalkooda wax uga qabtaan islamarkaana ay dowladda Soomaaliya noqoto mid amaankeeda iyada maamulata.
Ahmet Riza Demirer ayaa caddeeyay in dalalka Imaaraadka, Mareykanka, Ingiriiska iyo kuwo kaleba ay tababaraan Ciidamada Soomaaliya, laakiin tababarka Turkiga uu ka duwanyahay tababarrada ay bixiyaan dalalka kale.
Waxaa uu ku tilmaamay in ujeedada tababarka Turkiga tahay in xal kama dambeys ah loo helo amni xumada Soomaaliya ka jirta,waxaana uu intaas raaciyay in ujeedada saldhigga uusan ahayn mid qorshe gaaban ku dhisan.