Thursday, June 26, 2025

Turkiga oo si kulul uga horyimid inuu xiro saldhigiisa milateri ee Dalka Qatar

Dowladda Turkiga ayaa si kulul uga hor timid, jawaab degdeg ahna ka bixisay dalab ay soo jeediyeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Dalalka ka horjeeda Qatar ee ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Qatar ayaa soo gudbiyay dalab ka kooban 13 Qodob oo ku saabsan in Qatar ay qaado inta aan laga noqon xayiraadda ay saareen, waxaana ka mida inay xirto saldhigga milateri ee Turkigu ku leeyahay dalka Qatar.

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga  Fikri Isik ayaa sheegay in Turkiga aysan qorshaha ugu jirin xeritaanka saldhigga milateri ee Qatar, wuxuuna intaas ku datay in saldhiggaasi uu qaabilsan yahay ammaanka Gobolka Khaliijka oo dhan.

Jawaabta kulul ee Turkiga ayaa soo baxday saacado kooban kadib markii dalabka qoraalka Sacuudiga iyo Imaaraadku soo gaaray dalka Qatar iyadoo lasoo mariyay Kuweyt, waxaana ka mida in la xiro Telefishanka Aljazeera iyo qodobbo kale.

Turkiga ayaa is garab taagay dalka Qatar, markii ay go’doomiyeen dalalka Khaliijka, isagoo ciidamo u soo diray dalkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON