Monday, July 14, 2025

Turkiga oo xayiraadii ka qaaday Qaxootiga ku sugan dalkiisa & Kumanaan ku qulqulaya Yurub..

Dowladda Turkiga ayaa xayiraadii ka qaaday qaxootiga ku sugan dalkeeda, kadib weerarkii duqeynta ahaa ee ciidamadeeda looga dilay 33 askari gobolka Idlib ee dalka Syria.

War ka soo baxay Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay inaysan xilligan awoodin xayiraada qaxootiga ku sugan dalkeeda inay ka celiso inay u haajiraan Yurub, waxaana qaxootigaasi loo furay xuduudaha Badda iyo Dhulka Turkiga inay aadaan meeshii ay doonaan.

Arrintan ayaa keentay in isla markiiba kumanaan qaxooti ah ay Doonyo iyo socod ku aadaan xuduudka dalka Giriiga, waxaana la arkayey dad fara badan oo isugu yiri Syria, Iraq iyo dalal kale oo ku ququlaya xuduudka dalka Giriiga iyo Jasiiradaha dalkaasi.

Soomaali badan fursad sugayaal ku ahaa Turkiga ayaa la sheegay inay xalay ilaa saaka iyaguna u socdaaleen xuduudka dalka Giriigga iyadoo ka tegay dalka Turkiga, waxayna arrintan ka dhigan tahay go’aan dowladda Turkiga ku gaartay inay culeys ku saarto dalalka Yurub oo dhegaha ka fureysay baaqyo fara badan oo ay u dirtay.

Qulqulka qaxootiga ayaa laga soo weriyey Badda u dhaxeysa Giriiga iyo Turkiga iyo xuduudka labadaasi dal, waxaana sii kordhaya dadka doonaya inay fursadan ka faa’iideystaan oo ay galaan Yurub.

Turkiga ayaa haya qaxooti u badan Syria oo gaaraya 3.7 Milyan oo qof, waxayna dagaal adag ugu jirtaa in qaxooti kale aanu dalkeeda soo gelin kadib dagaalka ka socda Idlib, waqooyi galbeed ee Syria.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON