TV-ga Universal ee gaarka loo leeyahay ayaa fursad ka helay murankii keenay in la laalo doodwadaagii musharixiinta madaxweynaha ee maanta la isku maandhaafay, lana joojiyay.
TV-ga Universal ayaa galabta si degdeg u qabanqaabiyay Doodwadaag lagu qabtay Hotelka Jazeera oo ay ka qeyb galeen ilaa 16 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwii maanta ka baxay doodii uu qabanqaabiyay Guddiga Doorashada.
Dooda Universal ayaa waxaa daadihinayay weriye Cawil Daahir Salaad, waxayna ahayd mid si degdeg loo diyaariyay oo isku dhex yaacsan iyadoo inteeda badan musharaxiintu ku qaateen inay cambaareeyeen madaxda dowladda Federaalka ee hadda sharxan.
Dhinaca kale musharixiinta madaxweynaha ee ku shiray horel Jazeera ayaa cambaareyn u jeediyay Guddiga Doorashada madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen inuusan madax bannaaneyn oo awoodi waayay inuu qabto dood xalaal ah.
Goobjooge.com