Thursday, July 3, 2025

Ugaas Xasan oo Dalab culus hordhigay Wafdiga Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya

Wadahadal magaalada Beledweyne ku dhex maray wafdi uu hogaaminayay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo odayaasha Hiiraan qaarkood ayaan wax horumar ah laga gaarin.

Wararka laga helayo Odayaasha uu hogaamiyo Ugaaska Beesha Xaawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegaya inay odayaasha ay dalab adag hor dhigeen wafdiga Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo ah in wahadal ku saabsan maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay diyaar u yihiin marka la joojiyo lana soo xiro shirka hadda ka socda magaalada Jowhar.

carte-ugaas-xasan1Afhayeenka xukuumadda oo saxaafadda kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in odayaasha ay aqbaleen wadahal laga yeesho arrimaha maamul u sameynta Gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ujeedka Maxamed Cumar Carte loogu diray magaalada Beledweyne ayaa la sheegay inuu salka ku hayo arrimaha doorashada iyo halka lagu soo xulayo xildhibaanada ka imaanaya gobolka Hiiraan.

Odayaasha la kulmay Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa sheegay inay isku afgarteen in la laalo shirka Jowhar, taasoo ka dhigan in wax horumar ah aan laga gaarin wadahadalkiii labada dhinac.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON