Ugaaska Beesha Xawaadle Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo diiday ka qeyb galka shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee Jowhar ayaa ku dhawaaqay shir dib u heshiisiin ah oo ka dhacaya magaalada Beledweyne.
Ugaaska ayaa sheegay in shirkaasi uu noqon doono mid isku tashi oo dhaqaalihiisa ay bixinayaan bulshada Hiiraan, wuxuuna ku tilmaamay wax aan dhici karin, in dad aan hishiis aheyn ay maamul dhistaan.
Ugaaska ayaa diiday shirka Jowhar oo ay ka qeyb galayaan inta badan hogaamiyeyaasha dhaqanka beelaha Hiiraan, lamana oga cidda loo qabanayo shirka dib u heshiisiinta mar haddii aanay ka qeyb galeynin inda badan odayaasha Hiiraan oo hadda ku sugan Jowhar.
Shirkan dib u heshiisiinta ayaa la sheegay in la furayo 3-da Bisha April, waxaana hore u jirtay gogol nabadeed oo magaalada Beledweyne taallay muddo 8 bilood, taasoo ay hadda muuqata inaan cidna ku heshiin.
Goobjooge.com