Dowladda Uganda ayaa soo bandhigtay gawaari nooca gaashaaman ah ee ciidamada oo ay sheegtya in dalkeeda lagu farsameeyay.
Taliyaha Ciidamada Dhulka Uganda Gen. Muhoozi Kaine oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa muuqaalka Gaarigan ku shaaciyey bartiisa Twitter-ka, isagoo sheegay in lagu hindisay, laguna sameeyay Uganda.
Gaarigan oo loo bixiyey magaca ‘Chui’ oo laga keenay afka Sawaaxiliga. manihiisuna yahay Shabeel, waxaa na goobta lagu soo bandhigay ku sugnaa Madaweynaha Uganda, Yoweri Museveni.
“Ciidamada Dhulka ee UPDF waxaa sharaf u ahayd inuu shalay Madaxweynaha iyo Taliyaha Guud kala soo qeyb galay bandhigga Gaariga Dagaal ee ugu dambeeyey, ‘Chui’. Waxaa si buuxda loogu naqshadeeyay, laguna soo saaray Uganda” ayuu qoraalkiisa ku yiri mada Dhulka Uganda Gen Muhoozi Kaine.
Gaarigan gaashaaman ee Uganda ay sheegtay inay sameysatay ayaan wax faahfaahin laga bixin sida loo farsameeyay iyo cidda ay kala kaashadeen, waxaana ka muuqata inuu midab ahaan isku toosneyn, isla markaana qeybo ka mida ay duug yihiin.




