Dowladda Uganda ayaa taliye cusub u soo magacawday Ciidanka Uganda ka jooga Soo maaliya.
Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM ee Uganda ka jooga Soomaaliya ayaa loo soo magacaabay Paul Lokech oo u soo qabtay xilka talyaha guutada labaad ee ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda, waxaanaa lagu bedelay Muhanga Kayanja, oo xilkaas hayay.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca iyo Ciidanka Uganda Richard Karemire ayaa sheegay in booskii Paul Lokech, ee ahaa Taliyaha Ciidanka Galbeed ee Uganda uu sii heynayo ku xigeenkiisii Fred Kalala.
Paul Lokech, oo ku soo tababartay Dalka Ruushka waxaa uu ka mid ahaa Ciidamadii ugu horreeyay ee Al-shabaab kula dagaallamay Muqdosho markii Ciidanka Uganda ay soo galeen Soomaaliya 2007dii.
In ku dhow 7,000 askari ayaa Uganda ka joogta Soomaaliya, waana dalka ugu weyn ee ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya, iyadoo ciidamda ay isbedelaan sanad kasta.