Hay’adda Q/Midoobay u qaabilsan Miinooyinka ee United Nations Mine Action Service -(UNMAS) ayaa warbixin kasoo saartay weerarkii hoobiyeyaasha ee 1-da Janaayo ee sanadkan 2019 lagu qaaday xarunta UN-ka ee magaalada Muqdisho.
Warbixinta UNMAS ayaa lagu sheegay in weerarka loo adeegsaday Qoriga Hoobiyaha nooca 80 mm iyo saalbooyin noocoodu yahay L33A1. oo ah isla rasaastii loo adeegsaday weerarkii xalane lagu qaaday horaantii July sanadkii 2018.
Weerarka ayaa la sheegay in laga soo qaaday degaanka Kaxda ee Dharkeynley oo masaafo dhan 4.5 KM u jira xarunta UN-ka ee ku dhex taalla Xalane, isla markaana ay weerarka sheegay kooxda Alshabaab kadib 15 daqiiqo, waxayna UNMAS sheegtay inaysan jirin koox kale oo lagu tuhmi karoi weerarka.
Madaafiicda ayaa ahaa kuwo si toos ah ugu dhacay xarunta UN-ka, siiba xafiisyada CPO iyo UNMAS, wuxuuna ahaa weerarkii ugu dhowaa si toos ah loo beegsado laguna toosiyo xarunta UN-ka ee Muqdisho.