Tuesday, June 24, 2025

UNSOM oo Baroordiiq u sameysay Xasuuqii 14-ka Oktoobar & Wakiilka Q/Midoobay oo ka hadlay [Sawirro]

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa u munaasabad baroordiiq ah u sameeyay sanadguuradii koowaad ee xasuuqii 14-ka Oktoobar ee Qarax weyn lagu laayey Soomaali fara badan.

Calanka UN-ka ayaa hoos loo dhigay baroordiiqda maalinta 14-ka Oktoobar awgeed oo lagu dilay dad ka badan 600 qof, waxaana ciidamada UN-ka ee Muqdisho ay maamuus aamus ah u sameeyeen dadkii ku dhintay qaraxaasi.

“Waa weerarkii abid ugu dhimashada badnaa Afrika, waana weerar argagixiso oo ah dambi dagaal..” ayuu yri ergayga Q/Midoobay ee Soomaliya Nicholas Haysom oo warkan ka sheegay munaasbadda.

“Waxaan murugada la wadaageynaa dhibbanayaasha qaraxa oo noloshooda isbedel aan laga soo waaqsan karin ka soo gaaray dhacdooyinkii 14kii Oktoobar 2017, Waxaan u rajeynayaa iyaga iyo ehelladooda ee ay jecelyihiin inay yeeshaan adkeysi ay uga bogsadaan dhaawacyada jirka iyo kuwa maskaxda ee uu reebay weerarkan foosha xun” ayuu yiri Nicholas Haysom.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON