Friday, June 27, 2025

Ururka ONLF oo Guddoomiyihii ugu horeeyay ku doortay gudaha Itoobiya [Waa kuma..?]

Ururka ONLF ayaa markii ugu horeysay intii la asaasay guddoomiye cusub xalay ku doortay gudaha dalka Itoobiya, kadib doorasho ka dhacday degmada Godey.

Guddooomiyaha cusub ee ONLF ayaa loo doortay C/raxmaan Sheekh Mahdi (Maadey) oo ahaa xoghayaha ururka, iyadoo ay ONLF ay hadda isu bedeshay urur siyaasadeed iyo xisbi ka diiwaan gashan dalka Itoobiya.

Shirweynihii Xubnaha golaha dhexe ee ururka ONLF oo gaaraya 604 qof, waxaana 342 cod ku guueystay C/raxmaan Sheekh Mahdi Maaday, halka musharaxa la tartamayey ee ee Axmed Yaasiin uu helay 251 cod.

Guddoomiyaha cusub ee Maadey ayaa ka mida asaasayaashii ururka ONLF, wuxuuna ku jiray Guddiga fulinta muddo dheer, isagoo cilmiga xisaabta iyo `fisigs-ka ka bartay Jaamacadda Umadda ee magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON