Tuesday, June 24, 2025

Ururka ONLF oo shaaciyay Goobta ay Itoobiya ku heyso C/kariin Qalbidhagax

Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Ogaadeenia ee ONLF Cabdiqadir Shekh Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa shaaciyay goobta uu hadda ku sugan yahay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo Itoobiya loo gacan geliyay.
Wuxuu sheegay in xarunta ay Itoobiya Qalbi Dhagax ay tahay meel inta badan la geeyo xubnaha jabhada ka tirsan ee Itoobiya loo gacan geliyo,halkaasoo lagu hayo muddo 2-sano, kadibna loo gudbiyo xarumo kale oo amaankooda la adkeeyey.

Xarunta Sirdoonka Itoobiya ayuu sheegay inay ciidamada Ethiopia ay ku su’aalo weydiiyaan mas’uuliyiinta ONLF ee xaruntaasi la geeyo, kahor inta aanan xabsiyada loo wareejin ama denbiyo kale lagu qaadin.

Cabdulqaadir Sheekh Xasan Hirmooge ayaa mas’uuliyadda go’aankii Qalbidhagax ee Itoobiya loogu gacan galiyey  dusha ka saaray mas’uuliyiin uu ugu horeeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON