Friday, April 19, 2024

Ururrada Bulshada Rayidka oo beeniyay War ay ka faafisay Madaxtooyada Somalia (Akhriso)

Ururrada Bulshada Rayidka ayaa beeniyay war ay baahisay Madaxtooyada Soomaaliya oo ku saabsan kulankii dhex maray madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha Ururada Bulshada rayidka Mohyadin Tahliil Shaatax ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Warka Madaxtooyada faafisay ee ku saansan kulan ay maanta Ururada Bulshada la yeesheen Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna caddeeyay inay Madaxweynaha ay u sheegeen in loo baahan yahay Doorashada ku dhacda heshiis siyaasadeed.

War-saxaafadeed ay Bulshada Rayidka soo saartay caawa ayaa lagu yiri: “Waxaa Nasiibdaro ah in warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada in lagu sheegay in bulshada rayidku rabto nooc gooni (hal qof iyo hal cod) sidoo kale “qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.. Bulshada rayidka waxay caddeynayaan inaysan taageerin nooc Doorasho gooni ah, isla markaana aysan jirin qorshe ay si gaara u taageerayaan”

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON