Afar ka mida ururrada Warbaahinta Dalka ayaa si weyn u canbaareeyay falkii maanta lagu jir dilay weriyeyaal ka tirsan Warbaahinta Shabeelle oo lagu kala magacaabo Safiya Aadan Cismaan iyo C/qaadir Gacal.
Qoraal wadajir ah oo kasoo baxay ururrada FESOJ, SJS, SOMA iyo SIMHA ayaa in falka lagula kacay weriyaha iyo Sawirqaadaha ay qeyb ka yihiin tacadiyada sii kordhaya ee lagu hayo saxafiyiinta Soomaalida.
Afarta urur oo shaaciyey inay warqad cabasho u gudbiyeen madaxda dowladda Soomaaliya sida Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Wasiirka Warfaafinta ayaa dhinaca kale ugu baaqay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya inuu tallaabada ku haboon ka qaado hanjabaad uga timid -agaasimaha xafiiskiisa ee dhinaca Warfaafinta. (Cali Nuur Salaad).
“Waxaan si weyn uga naxsanahay hanjabaadda cusub ee nooga timid Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisal wasaaraha, kadib markii aan ku baaqnay in la joojiyo dhammaan tacadiyada lagula kaco saxafiyiinta, maalintii saxaafadda madaxa bannaan ee dunida” ayaa lagu yiri qoraalka oo Ra’iisal wasaaraha ugu baaqay inuu si degdeg ah tallaabo uga qaado hanjabaadda halista ah ee uga imaaneysa xafiiskiisa.
