Saddex Ururrada siyaasadeed iyo xildhibaannada la baxay horusocod ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay si weyn uga naxeen baaqii kasoo baxay madaxweyne Farmaajo intii uu joogay dalka Eritrea ee ahaa in cunaqabteynta UN-ka laga qaado dalkaasi.
Qoraalka oo ay soo saareen ururrada siyasadda Daljir, Wadajir, Kulan oo xisbiyo siyaasadeed oo KMG ah loo diiwaangeliyay iyo madasha Horusocod ee xildihibaannada taageersan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuuda ayaa sheegay in tallaabadda uu qaaday madaxweyne Farmajao ay tahay mid mas’uuliyad darro ah oo muujineysa qaangaarnimo la’aan siyaasadeed.
Waxay shuruud ka dhigeen in heshiis ay Soomaaliya la gasho Eritrea laga tixgeliyo xaaladda gobolka siiba arrinta dhex taalla dalalka Jabuuti iyo Eritrea, waxayna sheegeen iyagoo ku hadlaya magaca dadka Soomaaliyeed inay cudurdaar u dirayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti oo ay ka raali gelinayaan khaladka madaxweyne Farmaajo.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA