Warbaahinta Turkiga ayaa faafisay in Wasiir loo magacaabay mas’uul ku hadla luuqada Turkiga, isla markaana ka baxay Jaamacad ku taalla Turkiga.
Wakaalada Wararka Turkiga ayaa qortay in C/qaadir Maxamed Nuur uu ka mid noqday Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, loona mgacaabay Wasiirka Cadaaladda, kaasoo heysta Shahaadada koowaad ee Xiriirka caalamiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadada Ankara.
Wasiirka cusub ee Cadaaladda Soomaaliya ayaa kasoo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, wuxuuna fiican ugu hadli karaa luuqada Turkiga. Isagoo u warramay wakaalada wararka ee Anadolu ayuu sheegay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid dareen walaalnimo ku dhisan oo aanu ahayn mid siyaasadeed.
Dhinaca kale Wasiirka Cadaaladda Turkiga Abdulhamit Gül ayaa hambalyo usoo diray Wasiirka cusub ee Cadaaladda Soomaaliya, wuxuuna u rajeeyay inuu xiriir fiican dhex mari doono labada wasaaradood ee labada dal.
Wsaiirak cusub ee Cadaaladda Soomaaliya oo muddo ku noolaa Turkiga ayaa barihiisa Bulshada siiba twitter-ka wuxuu in badan ku qoraa luqada Turkiga, isagoo mar sheegay inuu mushaarkiisa Bil ugu deeqay olole tabarucaad ah oo dalka Turkiga ka socday kaasoo lagu saacadiyey ka hortagga cudurka Coronavirus.
C/qaadir Maxamed Nur (Jaamac) oo dad badan u arkaan in xilka loo dhiibay ee Wasiirka caddaaladda aanu khibrad u lahayn ayaa inuu golaha wasiirada cusub ka mid noqdo waxaa ka danbeeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh oo saaxiib gaara iyo la-taliye u ahaa.