Tuesday, September 29, 2020
More

    Waa maxay Forex – Exchange Market? [Akhriso Qormo xasaasi ah]

    Waa Lacagta oo lafteeda Ganacsi laga sameeyo, Lacag lagu bedelanayo Lacag kale, Saameeynna ku leh Ganacsiga kale.

    Taariikhda Forex.

    Forex, waxaa Bilaabay Babylonian –kii hore ee Dalka Ciraaq, Dalka Masar waxaa laga isticmaali jiray 259 BC. Suuqii ugu horeeyay ee Forex waxaa laga furay Magaalada Amsterdam ee Dalka Holland muddo laga joogo 500 Sanno, waxaana loo yaqiin Suuqaa “ Free Trade of Currencies”. Forex-ta US waxaa hogaaminayay Shirkadii loo yaqiin “Brown & Sons” Sannadkii 1850kii. Forex-ka hadda waxa dib loo soo cusbooneysiiyay 1931 markii uu yimid isticmaalka “Gold Standard”
    .
    Kadibna July 1944 ayaa qiima joogtaa lagu saleeyo Dahabka iyo Dollarka , taa oo ah.$ 35.00=1 ounce “Waqiyad” oo Dahab ah. waxaa markii dambe ogolaaday Qiimeeyntaa hayadaha IMF, World Bank iyo GATT, kadibna Wadama kale ayaana ogolaaday xiriirkaa joogtada ahaa ee Dahabka iyo Dollar-ka.

    Ad

    Khubaro ayaa soo jeedisay in Wadamadooda laga joojiyo ama Caalamka oo dhan laga mamnuuco Forex-ka, iyaga oo leh waa khamaar ama wax la mid ah, taa lagama aqbalin, iyada oo cudurdaar looga dhigayo in Sarifkaa loo isticmaali karo wax Dhoofinta, soo Dajinta iyo Maalgashiga.

    Shuruudaha Forex.

    Dadka Ganacsigaan galayo waa iney heeystaan Shati (License and Mandatory Certificate). wadamo badan waxay leeyihiin Hay’ado kontroolo Forex. tusaale: wadanka Qubrus- ayaa leh, CYSEC “ Security and exchange Commission”. USA waxa ey ku kontrooshaa hayadaha .CTFC, NFA, FINKA, SIPA. Switzerland –FINMA “Supervision of Financial Market”. UK-FCA “ Financial Service Control” Australia-ASIC.

    USA waxaa la yiraa Sharci ma ahan Forex, taasi waa been. Laakin si taxadar leh ayeey u maareeyaan, Dadka Ajnabiga ah looma ogolo Shatiga. Qofka Shatiga la siinayo waa in Lacag keyd ah laga hayo “Security Deposit” taa oo dhan $20 Million, si haddii uu muslalafo ama Khasaar, Lacagtaa magdhaw loogu siiyo Macaamiishiisii Lacagta uu ka qaaday.

    Sideey u shaqeeysaa Forex?.

    Habka ey u shaqeeyso. Tusaale: Waxaad leedayay Labo Account, mid Dollar ah iyo Mid Shillin Somali ah. tii Doolarka ayaa waxaa kuugu jiro $100. Waxaa hoos u dhacay qiimihii Sh.So, noqdayna 20 shillin halkii Dollar. $ 100 kii ayaad sarifee una soo wareejinee Account Somali ah, waxa ey kuu noqonee Sh.So.2000.

    Muddo kadib ayaa Shillinka qiimihiisu kor u kacayaa waxa uuna noqonayaa $1=Sh.So.10. dib ayaad ugu celenee Sarif Dollar ah waxa eyna kuu noqonee $ 200. Waxaad faa’iiday $100. Laakin haddii shillin somaligu hoos u sii dhaco oo uu noqdo $1=Sh.So 40. 2000 ee Sh.So waxa ey noqonee $50 waxaadna khasaartay $50. Marka waa in aad saadaali karo is bedelka Suuqa Lacagaha.

    Ma ka fekertay?.

    Inta aadan Galin Suuqa Forex waa in aad is weydiisaa: Cidda aad la macaamilee Bank ma tahay? Bank ma ku xiran tahay? Ma leeyihiin Bank Account? . Shati ma leedahay? Bank-ga uu ku leeyahay Accounka ma hubtaa in uu Keyd ka hayaa, si Lacagtaadu u badbaado haduu khasaaro kana aad la macaamilee? Lacagta Dalkaagu ma tahay mid wax lagu bedelen karo?. Ma ka fekertay Lacataada haddii aad Bank dhigto ama kan kaa qaaday uu dhigo in Dulsaar intaa la eg aan lagu siineeyn,Haddii lagu ganacsadana aan laga heleeyn Faa’iido intaa la eg. Sarifka is bedelkiisa ayaa la gaadayaa? Diyaar ma u tahay 2/3 khasaaro ah, waxa la yiraa 3dii Qofba Labo ayaa ku khasaarto?. Diintaadu maxeey ka qabtaa?.

    Culuma Badan oo Islaam ah ayaa isku raacay in Forex aan la ogoleeyn. Waxa kaliya ee la ogolyahay waa SWAP oo ah Sarifka maalinlaha ah iyo Keydkaaga Bangiga in aad ka qaadato adiga oo isticmaalayo.

    Saameeynta Dhaqaale.

    Saameeynta Somaliya ee Forex: Dollarka ayaa Suuqa ku yaraanayo. Dhulka Deegaankaa ayaa Qiimahiisu hoos u dhacayaa. Maalgashiga yar yar ayaa isna hoos u dhacayo. keydka Lacagaha ee EVC, E Dahab iyo wixii la mid ah ayaa yaraanayo, wareega Lacagta ee Suuqa ayaa isna hoos u dhacayo. Badeecada ayaa Dadka iibsadaahe yaraanayaan, kadibna Ascaarta ayaa hoos u dhecee, Ganacsiga qaarna waa xirmayaa.

    W/Qoray: Prof. Yahye Amir

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    147,896FansLike
    1,995FollowersFollow
    5,621FollowersFollow
    147,896FansLike
    1,995FollowersFollow
    5,621FollowersFollow

    TOP NEWS

    Ra’iisal wasaare Rooble oo kulan ugu yeeray Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda (Hal Taliye oo xaadiray)

    Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida iyo Laamaha Amniga Gobolka...

    Sidee u shaqeeyaan Xabsiyada Alshabaab, Yaase maamula..? & sida Maxaabiista loogu ciqaabo? (DAAWO XOGTA)

    Alshabaab ayaa maamuusha xabsiyo kala nooc ah oo dadka siyaabo kala duwan loogu ciqaabo, waxaana xabsiyadan la aasaay sanadkii 2008, waxaana ku...

    Sarkaal lagu dilay Beled-xaawo & Alshabaab oo sheegatay inay Qorshe la yaab leh ku khaarijisay

    Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dishay sarkaal ak tirsana Ciidamada Dowladda Soomaaliya  ee ku sugan Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Belwdxaawo.

    Lafta-gareen: “Haddii la is-tiriyo Soomaaliya waxay ahayd in wax loo qeybsado Maay iyo Maxaa-tiri..”

    Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ka qeyb galay xalay kulan casho sharaf iyo is-cafin ah oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

    Safiirka Somalia ee Turkiga: “Guuleed waxaa Berri u bilaabmaya tababar kooban, kadibna dalkii buu ku noqonayaa..”

    Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Turkiga ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladda wiilka Soomaaliyeed ee Guuleed Cabdi oo Turkiga lagu martiqaaday, iyo wixii...

    Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Danab oo lagu dilay Muqdisho iyo Alshabaab oo sheegtay..

    Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska iyo Kumaandooska Danab ee dabley ka tirsan Alshabaab ku dileen magaalada Muqdisho.

    Ra’iisal wasaare Rooble oo xilka kala wareegaya Mahdi Guuleed (Halkee ku danbeeyay Dalabkii Xasan Kheyre?)

    Ra'iisal wasaare ku xigeenka xukuumadii dhacday Mahdi Maxamed Guuleed oo madaxweyne Farmaajo sii-haye Ra'iisal wasaare u magacaabay ayaa maanta xilka Ra'iisal wasaaraha...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!