Wednesday, June 25, 2025

Waantaantii Itoobiya, Masar iyo Suudaan ee Biyo-xireenka Renaissance oo burburtay

Shir ay saddexda dal ee Itoobiya, Masar iyo Suudaan ee arrinta Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka dhiseyso Webiga Niil ayaa lagu kala tegay iyadoo aan wax heshiis ah lagu gaarin.

Shirka saddex geesoodka ah ee ka socday magaalada Khartoum ayuu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Ibraahim Ganduur inay awoodi waayeen heshiis ay ka gaaraan arrimaha ku saabsan biyo-xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso.

Arrinta ugu weyn oo la isku qabtay ayaa ah inta sano ee ay qaadaneyso in la buuxiyo biyo xireenka weyn ee Renaissance oo Itoobiya ay dhameystirtay, waxayna Itoobiya dooneysaa in muddo saddex sano ah lag buuxiyo, halka Masar ay ku doodeyso in 7 sano ay socoto buuxinta Biyo xireenka.

Saddexda wasiir arrimo dibadeed ee Suudaan, Itoobiya iyo Masar oo ay wehliyaan taliyeyaasha sirdoonka dalalkaasi ayaa Khartoum ku yeeshay wadahallo socday muddo 17 saacadood ah, waxayna natiijadii noqotay mid guuldarro ku soo dhammaatay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON