Sunday, June 22, 2025

Waare: “Mashaariic gaareysa 250 Milyan Dollar ayuu Xasan Kheyre ka hor istaagay Hirshabelle” (Daawo)

Madaxweynihii hore ee Hirshabelele Maxamed Cabdi Waare ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalkii ay maamulkiisa ku qaaday dowladii Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waare oo wareysi siiyey Bannaamijka ‘Hanoolaato’ ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle lagala dagaalamay mashaariic loo soo dhammeeyay oo ay ahayd in laga fuliyo, taasoo uu sabab u ahaa Xasan Cali Kheyre.

Wuxuu ku eedeeyay Ra’iisal wasaarihii hore inuu si kasta ula hadlay, siyaasiyiin saaxiibadiis ahna arrintan ula tegay, balse ay waxba ka socon waayeen, ilaa uu gaaray inuu u soo bandhigay is-casilaad si loo fuliyo mashaariicdaasi.

Ad

“Waxaa nagala dagaalamay mashaariicda 250 Milyan oo Doolar Mashaariic ah.. gaar ahaan xafiiska Ra’iisal wasaaraha (Xasan Kheyre), maxaa yeelay mashaariicdu waxay hoos yimaadaan wasaaradihiisa.. Mashruuca Jidka Jowhar shaqaalihii oo ka rajo xumaaday ayaa igu yiri inta aad joogto jidkan la dhisi maayo..” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Mashaariicda uu sheegay Maxamed Cabdi Waare inuu hor istaagay Ra’iisal wasaarihii hore waxaa ka mida: Dhismaha jidka Balcad iyo Jowhar, Dekado kalluumeysi ee Ceelmacaan iyo Cadale, Mashruucii Talyaaniga fatahaadda Beledweyne, Masharuuca Isbitaallada Beledweyne iyo Jowhar , mar kastana ay Hirshabeelle faragelin uga imaaneysay wasaaradaha xukuumadda Federaalka.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON