Sunday, July 13, 2025

Wadahadaladii dowladda Soomaaliya & Somaliland oo fashil qarka u saaran

Shirkii wadahadalka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa qarka u saaran in lagu kala tago oo uu burburo kadib markii wafdiga Somaliland uu diiday inuu al fariisto xubnaha wafdiga dowladda Soomaaliya oo intooda badan kasoo jeeda degaanada Somaliland.

Caqabdda shirka oo wajahday ayaa ahayd mid hore looga war hayay kadib markii dowladda Soomaaliya si kutalagal ah wafdi nooc cusub ah u xushay wadahadalkaasi, kana reebtay dhammaan dadkii hore ula socday shirka iyo heerka u marayo.

xasan-siilanyo-gelle

[ad name=”HTML-4″]

Dowladda Turkiga ayaa ku jirta dadaal weyn oo ay dooneyso inay shirka ku badbaadiso, waxaana wafdiga Somaliland ee uu hogaamiyo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku adkeysanaya in xubno degaanadooda ka soo jeeda aanay la kulmeynin.

Xubnaha Wafdiga Soomaaliya  u matalaya wadahadallada marka laga reebo wasiirka arrimaha gudaha ayaa ah xubno kasoo jeeda Gobollada Waqooyi, waxaana lagu wadaa in ula-kac ah arrintan uu madaxweyne Xasan Sheekh u maamulay

Xubnaha degaanada Somaliland kasoo jeeda waxaa ka mida:

Warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeye

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Jaamac Jengeli  iyo xubno kale

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON