Thursday, June 26, 2025

Wadahadalkii Dowlada Somaliya iyo Somaliland oo dib loo bilaabayo

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday  inuu dhowaan dib u bilaab doono wadahadalkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaaliland.

carte1

Ra’iisal wasaare ku-xigaenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in wadahadalada lagu doonayo sidii markale midnimada Soomaaliya la isugu keeni lahaa, isla markaana walaalaha Maamulka Somaliland loogu qancin lahaa inay ka gudbaan gooni isutaaga.

Qodobada la rabo in lagu heshiiyo ayuu ku sheegay Ra’iisal wasaare ku xigeenka inay mid yihiin  qeybsiga maamulka maaliyada, wada-shaqaynta maxkamadaha, fulinta sharuucda dalka loo dajiyey inuu ku dhaqmo iyo arrimo kale oo dani ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed.

“Run ahaantii wadahadalada dib ayay u bilaabmi doonaan, markii 60-ka la isku darsamay, waxa ay ahayd mid ku bilowday qaab wanaagsan, waxay u baahan tahay in wadahadalka uu noqdo mid markale la isu keeno Soomaali weyn, oo uusan noqon mid lagu kala tago” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka.

Wahadalka labada dhinac ayaan qabsoomin in muddo ah tan iyo markii shirkii ugu danbeeyay ee Istanbuul horaantii sanadkan uu burburay taasoo ka danbeysay markii ay Somaliland diida inay la fariisato xubno ka mid ahaa wafdigii dowladda Federaalka oo ka soo jeeda degaanada Somaliland.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON