Wednesday, July 9, 2025

Wadahadalkii Itoobiya & Masar ee Biyaha Webiga Nile oo fashilmay iyo xiisad culus oo ka dhex Qaraxday

Xiriirka dowldaha Itoobiya iyo Masar ayaa gaaray heerkii ugu xumaa muddo sanado ah, kadib markii ay burbureen wadahadalkii saddex geesoodka ahaa ee Itoobiya, Masar iyo Suudaan ee ka dhacay magaalada Khartoum.

Bayaan kasoo baxay dowladda Itoobiya, kadib shirka lagu kala tegay ayaa lagu cambaareeyay qorshaha dowladad Masar ku dooneyso in dhinacyo kale ay ku soo darto wadahadallada arrimaha webiga Nile ee labada dal isku hayaan, oo ku saabsan biyo xireenka weyn ee (Grand Ethiopian Renaissance Dam-(GERD) waxay tallaabadaasi ku tilmaantay mid qas ah oo hal dhinac uu wato.

Afhayeenka Madaxtooyada Masar Bassam Radi ayaa laga soo xigtay in dowladad Masar ay dooneyso in Mareykanka uu qeyb ka noqdo wadahadalka webiga Nile iyo khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ku saabsan biyo xireenka weyn ee Itoobiya Renaissance, kadib markii labada dowladood ay is mari waayeen.

Khilaafka soo cusboonaaday ee Itoobiya iyo Masar ayaa salka ku haya waqtiga lagu buuxinayo biyo xireenka weyn ee Itoobiya oo Masar ay dooneyso in sanado dhowr ah ay qaadato, si aanu u waxyeelin qulqulka biyaha webiga Nile-ka ee Masar ku tiirsan tahay, laakiin Itoobiya ay ku adkeystay inay hal mar buuxin doonto sii uu howlgalkiisa u bilowdo sanadka 2020-ka.

Madaxweynaha Masar C/fataax Alsisi ayaa sheegay inuu qaadayo tallaabo kasta oo uu ku difaacayo danaha qaranka Masar, isagoo ka hadlayey khilaafka Masar iyo Itoobiya ee soo cusboonaaday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON