Wednesday, June 25, 2025

Wadatashi ku saabsan Dib u howlgelinta Diyaaradii Somali Airline oo Muqdisho ka furmay [Sawirro]

Kulan wadatashi ah oo looga hadlayo sidii dib loogu soo celin lahaa Shirkaddii diyaaradda Qaranka ee Somali Airline ayaa maanta Muqdisho ka furmay.

Kulanka waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta wasaaradda oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda C/raxmaan Xersi Kulmiye, xubno kasocday Guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka iyo qaar kamid ah shaqaalihii shirkadda Diyaaradaha Soomaali Airline.

Kulanka ayaa intii u socdey waxaa la is dhaafsadey fikrado ku aadan qaabka ugu fadud ee loo howgalin karo Shirkadda Somali Airline oo baahi weyna ay u qabaan bulshada in la helo adeegyadii ay qaban jirtey.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada  Mudane C/Raxmaan Xersi  ayaa sheegay in wasaaraddu ay waqti badan gelineyso in dib loo soo celiyo shirkadda Diyaaradaha Soomaali Airline oo ahmiyad weyn u leh bulshada Soomaaliyeed.

Mudane C/raxmaan Xirsi Kulmiye ayaa tilmaamay in kulankaan oo socon doona muddo sadex maalin ah ay ku wareysan doonaan shaqaalihii hore ee Shirkaddaasi, islamarkaana fikrado iyo talooyin ay ka qaadan doonaan.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa mudo dheer soo waday qorshaha la doonayo in dib loogu soo celiyo shirkaddii Diyaaradaha Somali Airlines iyadoo dowladda Sacuudiga ay hore u balanqaaday inay maalgelineyso qorshahan, kaasoo dib u dhac ku yimid.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON