Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun ee isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii dhagax dhigga ayuu Guddoomiye Muungaab ka sheegay in jidkaan oo muddo burbursanaa lagu hirgelin doono dhisayo lacagta canshuurta ah ee shacabka Muqdisho laga qado, iyadoo qeybtii koowaad ee lacagtasi al guddoonsiiyay shirkadda Docol ee dhismaha jidka la siiyay.
Jidda 26-Jun ayaa dhowr jeer waxaa burburiyay rooban xoog leh oo ka da’ay Muqdisho, waxaana uu ka mid noqday wadooyinka howlgabka ah ee lagu guuldareystay in laga shaqeysiiyo.
Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inuu ka socdo isbedel lagu doonayo dib-u-habayn lagu sameeyo maamulka iyo maaliyadda, arrintaas oo uu maamulku sheegay inay meesha laga saaro lacago si khaldan uga bixi jiray maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Muungaab oo mar kale Maamulka Gobalka Banaadir loo magacaabay Bishii June 2025 ayaa bilaaba dadaal dib loogu dhisayo Wadooyinka caasimadda iyo qeybo ka mida burbur xoog leh heysto.