Wado loogu magac daray Madaxweyne Cali Mahdi oo laga dhisayo magaalada Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho maanta laga dhagax dhigay Wado loogu magac daray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Cali Mahdi Maxamed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa degmada Cabdicasiis ka dhagax-dhigay Waddo Laami ah oo loogu magac-daray Allaha u naxriisto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Wadadaan oo isku xerta Jidka weyn ee Gaadiidka iyo Laamiga Liido, ayaa dhex marta Suuq-yaraha Degmada Cabdicasiis, iyadoo Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo Roda Cabdi Cali ay sheegtay in dhismaha wadadaan ay baahi weyn u qabeen bulshada.

Guddoomiye Yuusuf Jimcaale ayaa sheegay in Jidkan lagu magacaabay Madaxweyne Cali Mahdi, maadama uu ahaa Ganacsadaha dhisay Daarta ugu dheer degmada C/casiis oo dalkan uu taariikh ku leeyahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON