Saturday, July 5, 2025

Wadooyinka Muqdisho oo markii ugu horeysay lagu xiray Kaamerooyin ilaalada ee Ammaanka

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa laga dhaqan geliyay kaamerooyinka ilaalada oo lagu xiray isgoysyo dhowr ah.

Isgoysyada Banadir, Zope, KM4, Dabka iyo Sayidka oo dhamaantood ka mida wadadda dheer ee Maka Almukarama ayaa xalay la dhameystiray laguna xiray Kaamerooyinka CCTV ee lagula socdo dhaqdhaqaaqyada wadooyinka.

Baallooyin hore looga dhisay Wadooyinka ayaa saaka dadweynuhu dareemeen inay ku xiran yihiin Kaamerooyinkaasi oo lagu soo beegay maalmo ka hor doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo 8-da bishan Febraayo 2017.

Kaamerooyinka Wadooyinka ayaa loo adeegsadaa xoojinta ammaanka iyo la socodka dhaqdhaqaaqa, laakiin waxaa ka muhiimsan in la helo dadkii ku shaqeyn lahaa iyo ciidamadii u diyaarsanaa inay daba galaan ama tallaabo degdeg ah qaadaan markii loo baahdo.

Waxaa hore magaalada Muqdisho looga hirgeliyay nalalka samaafarayaasha ee kala haga Gaadiidka, kuwaasoo markii dambe burburay iyadoo aan waxba laga qaban, waxaa kaloo qeybo badan oo ka mida howlgab noqdeen nalalkii wadooyinka oo aan wax dayactir ah lagu sameyn.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON