Wafdi heer sare ah oo dowladda Ereteriya ka socda ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay muddo 20 sano ah oo madax ka socota labada dal ay is arkaan.
Wafdiga Ereteriya waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi Osman Saleh, waxaana ka mida la-taliyaha madaxweynaha Ereteriya Yemane Ghebreab, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka Caalamiga ah ee Pole International.
Arrintan ayaa ka danbeysay go’aankii uu qaatay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed oo ka tanaasulay dhulkii ay isku heysteen dalka Ereteriya, kasoo guddi caalam ah ay u xukuntay dalka Ereteriya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in la diyaarinayo safar uu Abiy Ahmed ku tago dalka Ereteriya, kaasoo noqon doona mid taariikhi ah kadib 20 sano oo colaad ay dhex taallay labada dal.