Thursday, June 26, 2025

Wafdi hor leh oo ka socda Dowladda Turkiga oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho [Sawirro]

Wafdiga uu hoggaaminyay  xoghayaha guud ee Dowladaha Hoose ee Dalka Turkiga Hayrettin Gungor ayaa maanta lagu soo dhoweeyay Garoonka diyaradaha magaalada Muqdisho.

Wafdiga waxaa soo dhoweyntiisa ka qeyb galay madax ka tirsan dowladda Federaalka oo uu horkacayo Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska xukuumadda Soomaaliya  Saadiq Abdullaahi Cabdi  iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaasi.

Wafdiga ayaa la sheegay in ujeedkiisu yahay sidii loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed ee Turkiga ka waddo magaalada Muqdisho. Wasiirka howlaha guud iyo Dib uu Dhiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in wafdiga Turkiga ay yimaadeen sidii horumarin looga sameyn lahaa mashaariicda horumarineed ee dalku ay ka wadaan Walaalaha Turkiga.

Xoghayaha Guud ee Midowga Dowladaha Hoose ee Dalka Turkiga Hayrettin Gungor ayaa kaga mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho,isagoona balaan qaday in mar walibo ay noqon doonaan kuwa sii wadda mashaariicda horumarineed ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Wafdiga ayaa booqday xarumaha wasaaradda Howlaha Guud iyo sidoo kale Gobolka Banaadir, isagoo la kulmay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka iyo kuwa wasaaradda Howlaha Guud,waxaana qeyb ka ahaa Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON