Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed ayaa goor dhoweyd kasoo degay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Wafdigan ka socda Eriteriya oo soo maray dalka Itoobiya waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Arrimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuuamdda.
Booqashadan wafdiga Eriteria ayaa la sheegay inay hordhac u tahay booqasho la filayo inuu madaxweyne Isaias Afwerki ku yimaado magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa horay u booqday Eritrea July 28-keedii, isaga oo ugu baaqay qaramada midoobey in cunaqabateynta laga qaado dalkaasi xilli ay Soomaaliya saarantahay.