Friday, July 11, 2025

Wafdi Itoobiyaan ah oo magaalada Berbera u tegay furitaanka Mashruuca ballaarinta Dekadda…

Dowladda Itoobiya ayaa wafdi sare oo Soomaalida dalkaasi u badan u diray magaalada Berbera ee Somaliland oo maanta laga furayo balaarin ay shirkadda Imaaraadka ee DP World ku sameysay dekaddaasi.

Wafdiga dowladd Itoobiya waxaa hoggaaminaya Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide,waxaana ka mida wasiirka gaadiidka Itoobiya Marwo Dagmawit Moges Bekele Iyo madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Somaliland Muus Biixi Cabdi ayaa la kulmay weftiga dalka Itoobiya, waxayna ka qeybgeli doonaan furitaanka wejigii koowaad ee ballaarinta Dekeda Berbera ee ay gacanta ku hayso shirkada Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World.

Itoobiya ayaa hore saami ugu lahayd mashruuca balaarinta iyo dhismaha dekadda Berbera iyo Jid isku xiraya labada dhinac, laakiin heshiiska oo mugdi badan hareeyay ayaanay kala caddeyn kaalinteeda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON