Tuesday, June 24, 2025

Wafdi iyo Gurmad ay dirtay dowladda Puntland oo gaaray Magaalada Muqdisho [Sawirro]

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta gaarsiisay magaalada Muqdisho diyaarad sida gurmad daawo iyo dhakhaatiir saaka looga direy magaalada Garowe, waxaana kusoo dhaweeyay.

Waxa Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho masuuliyiin ka tirsan Dowlada Somalia oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Saed (Juxa). Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland ayaa hogaaminay wafdiga la socda dawado gaaraysa 4 Tan iyo 10 qof oo isugu jira dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo xukuumadda Puntland u dirtay Muqdisho.

Wasiir Cabdiraxmaan Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in kaalmadan ay tahay mid hordhac islamarkaana ay jiri doonaan kaalmooyin lacageed oo dowladda iyo shacabka Puntland kaga qayb qaadanayaan dhibaatadii Zoobe.

Saraakiisha dowladda Puntland ayaa sheegay inay ka xunyihiin masiibadii ka dhacday Zoobe iyagoo tacsi u diray umadda Soomaaliyeed islamarkaana qaraxaas ku sifeeyay mid waxashnimo ahaa oo lagu dhibaateeyay maato aan waxba galabsan.

Deeqda Puntland ay u dirty Muqdisho, ayaa kamid noqonaysa kaalmooyin horey loo geeyay oo ka yimid dalalka Caalamka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON