Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi C/laahi & xubno la socda ayaa maanta tegaya magaalada Kismaayo.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisy yahay sidii ay kulamo ula yeelan lahaayeen maamulka Jubbaland, iyadoo ay gabagabo mareyso dhexdhexaadinta Aqalka Sare ka dhex waday Maamul Goboledyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Aniga iyo Wafdi aan hoggaaminaayo waxaan aadeynaa Kismaayo Jubbaland, waxaan u tegeynaa inaan marka hore cid waliba aragno oo aanu ka shaqeyno sidii si nabad loo gaari lahaa, waxaa gabagabo maraya dadaalkii Aqalka Sare ka dhex waday dowlad goboleedyada iyo dowladda..” Ayuu yiri Cabdi Xaashi.
Aqalka Sare ayaan weli ku guuleysan inay shir isugu yimaadaan madaxda Dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka iyadoo laba maamul goboleed ay doorashooyin ka jiraan.